• Abdishakur Asowe
  • Nairobi

15 Disembar 2020

Kenya iyo Somaliland: Shan Arrimood oo ay ku heshiiyeen Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi
Qoraalka sawirka,

Muuse Biixi (bidix) iyo

Madaxweynaha Kenya iyo madaxweynaha Jamhuuriyada iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku xusan yihiin arrimo ay ku heshiiyeen.

Wafdiga uu hor kacayay Muuse Biixi ayaa booqasho rasmi ah oo daba socotay martiqaad uu u fidiyay madaxweynaha Kenya ku tagay magaalada Nairobi.

Kenyatta ayaa Biixi ku qaabilay xarunta madaxtooyada, halkaasoo ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinaca.

Sida ku xusan war-saxaafadeedka wadajirka ah, waxay madaxweyne Kenyatta iyo madaxweyne Biixi isla meel dhigeen sii wadidda dadaallada nabadeed iyo danaha ay wadaagaan.

Kenya iyo Somaliland: Shan Arrimood oo ay ku heshiiyeen Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi
Qoraalka sawirka,

Kenyatta ayaa wafdiga ka socday Somaliland uu uu hoggaaminayay Muuse Biixi ku qaabilay madaxtooyada Nairobi

Labada mas’uul ayaa sheegay in ay isku waafaqeen iskaashi ay ku raadinayaan nabadda gobolka, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada labada dhinac.

“Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxay si wadajir ah diiradda u saareen ballaarinta xiriirkooda ganacsi, xoojinta wadashaqeynta gaadiidka dhinaca hawada, taasoo horseedeysa in la billaabo duullimaadyo toos ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa.” Ayaa lagu yidhi bayaanka.

Waxay labada madaxweyne ugu dambeyn amar ku siiyeen mas’uuliyiinta xafiisyadooda inay hirgaliyaan shan qodob oo ay isla meel dhigeen, kuwaas oo kala ah:

  • Xoojinta wadaxiriirka shacabka labada waddan (Kenya iyo Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland)
  • Sare u qaadista isdhexgalka, ganacsiga iyo maalgashiga
  • Adkeynta wadashaqeynta dhinaca amniga iyo isla wadaagidda xogaha sirdoonka si wax looga qabto falalka argagixisada, burcadnimada internet-ka iyo dambiyada ay ku kacaan kooxaha laga soo abaabulo dibadda
  • Xoojinta wadashaqeynta ku aadan arrimo kala duwan, oo ay ku jiraan horumarinta Beeraha, Xoolaha nool, Waxbarashada, Tamarta iyo gaadiidka
  • Sameynta tababarro iyo dhisitaanka xirfadaha bulshada

Afar Arrimood oo ay ku heshiiyeen Kenyatta iyo Biixi

Kenya iyo Somaliland: Shan Arrimood oo ay ku heshiiyeen Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi
Qoraalka sawirka,

Muuse Biixi ayaa Kenya ku tagay caasuumaad uu u fidiyay

Sida ku xusan war murtiyeedka wadajirka ah, labada hoggaamiye ee ku kulmay Nairobi waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqyo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta.

  • In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.
  • In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaaro dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.
  • In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.
  • In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.

Read original article here.