15 Disembar 2020

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya: Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in aan loo adeegsan karin …

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo Axaddii soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Kenya .

Madaxweyne Biixi oo BBC-da uga warramay ujeeddada safarkiisa Kenya ayaa sheegay inuu u yimid si ay Kenya uga wada hadlaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimo dhowr ah.

“Waa labo dal oo jaar ah, Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay marka waxaan u imid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba,” ayuu yiri.

Madaxweyne Biixi ayaa shalay madaxtooyada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya . Ujeedada kulanka ayuu ku sheegay arrimo la xiriira danaha “labada dalk”, waa siduu hadalka u dhigay ee.

“Uhuru waxaan ka wada hadalnay danaha labadayada dal. Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay waxyaabo badan, geeskan aynu ku nool nahay sidii uu nabad iyo horumar iyo barwaaqo u gaari lahaa, wixii ka dhiman iyo guud ahaan caalamkaba dhibaatooyinka ka jira iyo sidii aan uga faa`iideysan lahayn fursadaha laga yaabo inay ka jiraan caalamka iyo Geeskaba,” ayuu BBC Somali u sheegay Muusa Biixi.

Booqashada Madaxweyne Biixi ayaa ku soo aadeysa xilli uu khilaaf xooggan u dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sababay in xiriirka diblumaasiyadeed uu kala go’o.

Xalay ayaa ugu dambeysay oo dowladda Soomaaliya ay amartay diblumaasiyiinta Kenya in ay Soomaaliya oga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah, waxayna ku eedeysay in Kenya “ay faragelineyso arrimaha madaxbannaanida dalka”, sida lagu xusay warsaxaafadeed.

Haddaba, Kenya ma waxay ka faa`iideysaneysaa xurgufta kala dhaxaysa Soomaaliya?

Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynihii labaad ee Somaliland ee ay Kenya martiqaaddo. Madaxweynihii hore, Daahir Riyaale Kaahin ayaa Kenya ku yimid booqasho ka dib casuumaad uu ka helay madaxweynihii hore ee Kenya Kibaki.

Balse safarka madaxweyne Biixi ayaa ku soo aaday xilli ay xasaasiyad adag ka taagan tahay Bariga Afrika, taas oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya: Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in aan loo adeegsan karin …
Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Kenya ayuu marti u yahay madaxweyne Muusa Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in booqashadiisa iyo arrintaas aanu ka dhexeyn wax xiriir ah. “Malaha eraygaas la iskuma quuri karo. tan kale Soomaali ayaynu nahay, annagu waxaan isu qabnaa in aan nahay kuwii Soomaali meel ay joogtaba wax tari lahaa ee mooyaane aan wax yeeleyn iyo bani`aadamka kaleba.”

“Qofna ma rabno in aan dulmi ku sameyno. Waxa labada dal ka dhaxeeya haddii ay dhex gal waayeelnimo naga codsadaan, waynu kala dhex galeynaa, in aan xallino iyaga oo wada socda, haddii dal qura naga codsadana dhex geli meyno. Mid Kenya na, noo quuri meyso kana aqbali meyno, annaguna ma nihin dad loo adeegsado dad kale.”

Ganacsiga Jaadka

Ganacsiga Jaadka waxaa horey loo joojiyay dhowr goor, waxaana ka mid ahayd sannadkii 2016-kii, kaddib xurguf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex gashay labada dal.

Arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay ganacsatada jaadka ee Kenya oo sheegay in ay khasaareen lacag aad u badan.

Qalabkan kuma ciyaari kartid maqalka iyo muuqaalka

Qoraalka Muuqaalka,

Madaxweyne Muusa Biixi oo la hadlay BBC Somali

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Kenyatta aysan ka mid ahayn jaadka. “Waxaa laga wada hadlayaa labada dal maxay wada qabsan karaan,” ayuu yiri.

“Madaxweynayaashu waxay ka wada hadleen mabaadii`da waaweyn. Waxyaabahaas waxay imaan karaan marka loo dhaadhaco farsamada, ee dowladuhu xiriir is weydaarsadaan, ee xafiisyo labada dal ka wada shaqeeya ay furtaan. Markaas ayaa loo dhaadhici karaa ‘maxaynu ka baayac mushtari karnaa? halkeynu gaari karnaa?’.”

Bilow ka hor, dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay dib u soo celisay diyaarad sidday jaad oo laga leeyahay Kenya, taas oo lagu eedeeyay inay jabisay tallaabooyinka lagu xaddidayo fayraska corona, sida uu sheegay sarkaal magaciisa ka gaabsady oo dawladda ka tirsan.

Jaadkaas waxaa qiimihiisa lagu sheegay $30 kun oo doollar, iyadoo ganacsatada jaadka ee Kenya ay sheegeen in khasaare badan uu ka soo gaaray soo celinta diyaaraddaas. Jaadka ugu badan ee Somaliland wuxuu ka yimaadaa Itoobiya.

‘Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland’

Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa inta kale ee Soomaaliya ka go’day sannadkii 1991, xillugaas oo bilow ay ahaayeen colaadaha sokeeye ee dalka.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Uhuru ay sidoo kale kala hadleen sidii Somaliland loogu aqoonsan lahaa in ay tahay dal ka madaxbannaan Soomaaliya.

“Dowlad kasta iyo cid kasta oo aynu aragno, muhiimadda koowaad waa aqoonsi oo aan nin walba kala hadalno,” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu intaas ku daray in labada dowladood ay dhowaan qorsheynayaan in la ballaariyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in bilowga sannadka soo socda ay Kenya qunsuliyad ka furan doonto Hargeysa.

Xiriirka ganacsi ee Kenya iyo Somaliland

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in xiriir ganacsi oo wanaagsan ay la leeyihiin Kenya. “Shaaha laga cabo Somaliland wuxuu badankiis ka yimaada Kenya, isla markaana muwaadiniin badan oo Kenya u dhashay ayaa ka shaqeeyaan Somaliland.”

“Ma u maleyneysaa in inka badan 7,000 oo Kenya u dhalatay ay maanta Soomaalida u shaqeeyaan oo ay ku jiraan meel walba oo aqoon looga baahan yahay. Waxa laga beec-mushtarayaa maanta waa aqoon, waa qalab wax is weydaarsi, marka sida caalamku u wada shaqeeyo ayaan u beec-mushtareynaa,” ayuu u sheegay BBC Somali.

Madaxweyne Muusa Biixi Cabdi wuxuu tilmaamay in Somaliland ay leedahay macdan badan iyo xoolaha nool oo aad loo baahan yahay.

Read original article here.