• By Ed Butler
  • BBC News

13 Disembar 2020

Ismaaciil: "Waxaan arkay rag dhimanaya iyo kuwa kale oo iska cararaya oo aan fikrad ka haysan …
Qoraalka sawirka,

Maj Kinan Farzat waa mid ka mid ah askarta Suuriyaanka ah oo la sheegay inuu ku dhintay dagaalka Nagorno-Karabakh

Turkiga iyo Azerbaijan ayaa beeniyay in calooshood u shaqeystayaasha Suuriya loo isticmaalay gulufkii dhawaan ka dhacay Nagorno-Karabakh laakiin afar reer Siiriya ah ayaa BBC-da u sheegay in ka dib markii ay iska diiwaangaliyeen xadka Azerbaijan, in si lama filaan ah loogu tuuray dagaalka ka socda jiida hore.

Waxay ahayd bishii Ogosto ee sanadkaan markii ay bilwodeen wararka sheegayay in goobaha ay fallaagadu gacanta ku hayso ee waqooyiga Suuriya ay ka jirto shaqo mushahar fiican leh oo dibedda looga baahan yahay..

“Waxaan lahaa saaxib ii sheegay in ay halkaasi ka jirto shaqo aad u fiican oo aad qaban karto taasi oo ah in aad joogeeyso baraha koontorool ee Azerbaijan”, waxaa sidaasi ii sheegay nin da’ ah.

“Waxay noo sheegeen in shaqadeena ay tahay oo keliya in aan joogeyno xadka inagoo ah nabad ilaaliyeyaal. 200 oo doolar ayay bishii bixinayeen. Waxaan dareenay iney tani tahay nasiib wanaagsan,” ayuu ii sheegay nin kale oo aan ugu yeerayo Qutaiba.

Labuduba waxay codsadeen shaqada iyagoo u maraya kooxaha mucaaradka ah ee uu taageero Turkiga kuwaasi oo ka soo horjeedo madaxweyne .

Raggan ayaa ku nool goob maalintii uu qofka ku shaqeynayo 1 doolar, waxayna tani u arkeen fursad wanaagsan oo uu Alle ku maneystay.

Markii ay tagayeen Azerbaijan waxay raaceen diyaarad uu leeyahay milatariga Turkiga.

Balse shaqada loo soo bandhigay ma aysan ahayn sidii loo maleeynayay. Raggan oo intoo badan haysta khibrad milatari ayaa waxaa loo shaqaaleysiiyay iney dagaalka ka qeyb galaaan, waxaana durbadiiba la geeyay aagagga hore waxaana lagu amray iney dagaalamaan.

“Marnaba ma fileyn inaan badbaadayo,” ayuu yiri Qutaiba. Waxay u muuqatay inaan haysto fursad boqolkiba 1 oo geerida ayaa nagu weegaarsanayd.”

Nagorno-Karabakh waa dhul lagu muransan yahay oo ku jiray gacanta Armenia intii lagu guda jiray iskahorimaad dhiig ku daatay oo markii dambe ku dhammaaday xabad joojin 1994.

Tobanaan kun ayaa dhintay boqolaal kalana waa la barakiciyay, kuwaas oo kasoo jeeda deegaanka la isku haysto iyo dhulka ku hareeraysan ee ay qabsadeen xoogagga Armenia.

Waxay labada dal horey u wada gaareen heshiis xabad joojin inkasta oo aanan weligiis la dhaqan gelin, dagaalladan waxay ahaayeen kuwa dhaca mararka qaar.

Bulshada caalamku ma aqoonsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday ee Artsakh (magaca Armenia ee Nagorno-Karabakh) iyadoo sanadkaan ay dareemeen awooddooda millatari ee sii kordheysa, Azerbaijan waxay go’aansatay inay weerar ku qaaddo Armenia.

Inkastoo ay Azerbaijan iyo Turkiga oo xulafa la ah ay gaashaanka u daruureen iney jiraan calooshood u shaqeystayaal reer Suuriya ah oo ka qeyb galaya dagaalka Azerbaijan iyo Armenia balse baareyaal ayaa soo bandhigay sawirro cadeyn ah oo laga soo jaray muuqaallo ay dagaalyanada ku baahiyeem baraha bulshada, kuwaasi oo muujinaya sheeko ka duwan tan Turkiga iyo Azerbaijan ay ku doodayaan.

Dagaalyahannada aan la hadlay waxay la kulmeen dagaal culus oo waxay umuuqdeen kuwo uu soo gaaray dhaawac dhanka maskaxda ah. Ma aysan dooneynin in la aqoonsado, iyagoo ka baqaya aargoosi kaga yimaada taliyeyaasha maleeshiyada, sidaas darteed waxaan u u bixiyay magacyo kala duwan.

Ismaaciil: "Waxaan arkay rag dhimanaya iyo kuwa kale oo iska cararaya oo aan fikrad ka haysan …

“Dagaalkaygii igu horreeyay waxa uu bilowday maalin un ka dib markii aan imid,” ayuu Ismaa’iil.

“Aniga iyo 30 qof oo kale ayaa waxaa loo diray jiidda hore ee dagaalka. Waxaanu lugeeynaynay ilaa 50 mitir markii uu durbadiiba gantaal ku soo dhacay agteena. Dhulka ayaan isku tuuray. Gantaallada waxay sida roobka noogu da’yeen muddo 30 daqiiqadood ah daqiiqadahaasi waxay ila noqdeen sannado badan. Markaasi ka dib ayaan ka shalaayay inaan imaado Azerbaijan.”

“Ma aanu garaneynin waxa aan sameyno, iyo sida aan uga falcelin karno arrintan,” ayuu yiri Samiir oo intaasi ku daray in qaar badan oo ka mid ah asxaabtiisan aysan lahayn khibrad milatari amaba tabar.

“Waxaan arkay rag dhimanaya iyo kuwa kale oo iska cararaya oo aan wax fikrad ah ka haysan halka ay u cararayaan, sababtoo ah waxay iska ahaayeen dad shacab ah.”

Dhammaan raggan ayaa sheegay in la siiyay qalab aan ku filnayn ama taageero dhanka dawada ah. Inta badan asxaabtoodii ka barbar dagaalamaysay waxay u dhinteen dhiig bax ka soo gaaray dhaawacyo fudfudud oo ay si sahlan u dawyen kareen dhakhaatiirta.

Ismaaciil: "Waxaan arkay rag dhimanaya iyo kuwa kale oo iska cararaya oo aan fikrad ka haysan …
Qoraalka sawirka,

Muqaal uu iska duubay dagaalyan Suuriyaan ah oo lagu magacaabo Mustafa Qanti

“Xilligii igu adkaa wuxuu ahaa markii mid ka mid ah asxaabteyda uu dhaawac soo gaaray,” ayuu yiri Ismael, oo isagu markii dambe isbitaalka loo dhigay dhaawacyo ka soo gaadhay firirka gantaallada. “20 mitir ayuu ii jiray markii madaafiicdu soo dhacaysay, waxaan arkay isagoo dhacaya, waa uu ii yeerayay isagoo qaylinaya. Laakiin agtiisa waxaa lagu arkay qoryaha darandooriga u dhaca ee Armenia. Waan caawin kari waayay. Ugu dambeyntiina wuu dhintay.”

Qiyaasaha ayaa ku kala duwan tirada dhimashada saxda ah ee dagaalyahanada Suuriya. Kooxda la socodka arrimaha Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha, oo ah koox fadhigeedu yahay Ingiriiska oo kormeerta colaadda ka taagan Suuriya, ayaa tirada ku sheegtay in ka badan 500.

Ismaaciil: "Waxaan arkay rag dhimanaya iyo kuwa kale oo iska cararaya oo aan fikrad ka haysan …
Qoraalka sawirka,

Askar Suuriyaan oo iska duubay muuqaal

Armenia waxay sheegeysaa in 4,000 qof oo u dhashay Suuriya la geeyay Azerbaijan tan iyo markii uu dagaalka bilowday, waxaana arrintaas beenisay Turkiga. madaxweynaha Azerbaijan Ilhaam Aliyey ayaa dhankiisa sheegay in Turkiga uusan qeyb ka aheyn dagaalka u dhexeeyay labada dal.

Turkiga iyo Azerbaijan waxay wadaagaan xiriir dhanka siyaasadda iyo dhaqanka bulshooyinka ku nool.

Ma ahan markii ugu horreeyay oo dagaalyahano Suuriyaan ah ee ka dagaalamaan meel ka baxsan dalkooda iyaga oo dagaalyahanadaas uga sii gudbayo Turkiga.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey bishii May ee sanadkii hore ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka yimid waqooyiga Suuriya ay gaareen dhinaca Turkiga waxayna uga sii gudbeen Libya si ay uga dagaallamaan halkaas, muuqaal laga soo duubay dagaalyahano Suuriyaan ah oo ka dagaalmayay Libya ayaa waxaa ka dhashay caro, Turkigana waxaa lagu eedeeyay in uu hurinayo colaadda.

Sida laga soo xigtay, Raami Cabdul Raxmaan oo ah agaasimaha ha’yadda dusha kala socoto arrimaha xuquuqul insaanka Suuriya ayaa sheegay in mucaaradka hubeysan ee Suuriya ay ku kala qeybsan yihiin arrinta ah in dagaalyahano loo diro Azerbaijan.

Kooxa xiriirka la leh Turkida ayaa u muuqday kuwa u dhaga nuglaanayo codsiga Turkiga.

Halka kooxaha ku sugan magaalooyinka Xums iyo Ghouta ayaanan dan ka laheyn inay ku biiraan dagaalka ay u arkaan in uu u dhexeeyo Muslimiinta Shiicada ah ee Azerbaijan iyo kiristaanka Armenia.

Read original article here.